351 Views

Ra’iisal wasaare Xamza “ Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu al-Shabaab noolaadaan ama inaan innagu noolaano’

Ra’iisal wasaare Xamza “ Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu al-Shabaab noolaadaan ama inaan innagu noolaano’
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

 – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay soo booqday qaar ka mida dadkii ku dhaawacway qaraxii iyo weerarkii lala beegsaday hotel Xayaat. Ra’iisal wasaaraha oo booqashadiisa bukaanada ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu amray in debedda loo qaado bukaannada dhaawacoodu halista yahay, ee aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in haatan uu dulqaadkii dhamaaday, oo aanay maanta wixii ka dambeeya noqon doonin in lala noolaado ururka al-Shabaab. “Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu [al-Shabaab] noolaadaan, ama inaan innagu noolaano, laakiin islama noolaan karno” ayuu yidhi ra’iisal wasaaruhu.

Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn ugu mahadnaqay ciidamada kala duwan ee dawladda ee gurmad ka geystay, hawlgalkii lagu samatabixinayey dadkii ku go’doonsanaa hotelka Xayaat ee ay al-Shabaab weerartay iyo weliba soo afjaridda weerarkaas.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in dawladdu ay qaadanayso masuuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay isla xisaabtamayso, lalana xisaabtami doonto cidkasta oo u xilsaarnayd oo shaqadaas dalka u haysay, si aan dhacdadaas oo kale markale u dhicin.

“Cid kasta oo gudan weyday waajibkeeda, cid kasta oo gaabis ka yimi, cidkasta oo xadgudub ka yimid, intaba waa lala xisaabtami doonaa” ayuu yidhi ra’iisal wasaare Xamse, isagoo sheegay inay isla xisaabtanka gaadhsiin doonaan illaa halka ugu dambaysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post