Jimco: july 30 2021
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed ay dad shacab ah ku dileen deegaanka Galdogob ee gobolkaasi.
Guddoomiyaha deegaanka Dhabad Aadan Cabdinuur Galaal ayaa sheegay in 3 qof oo shacab ah aano qabiil loogu dilay deegaanka Galdogob, islamarkaana deegaankaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo dhexeysa maleeshiyaada halkaasi wada dega.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku baaqay in arrintan si deg deg ah ay dowladda Soomaaliya wax ugu qabato si looga hortago dilalka ka dhaca deegaanka Galdogob ee gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raad joogaan maleeshiyaadka dadka shacab ah ku dilay deegaanka Galdogob ee gobolka Galgaduud.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili maalmo ka hor 2 qof oo shacab ah lagu dilay deegaanka Galdogob, iyadoona maleeshiyaadka dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________