Talaado: August 17, 2021
Dabley hubaysan ayaa xalay dad ku laayay degaanka BACDA oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.
Weerarka waxa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qof oo kala ah nin iyo haweenay, islamarkaana ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.
Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu sheegay Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, waxaana dilkooda lala xiriiriyay xiisad aanooyin qabiil oo ka jirta degaankaas.
Kooxdii weerarka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo ilaa iyo haatan aysan dilkan ka hadlin mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga Gobolka Hiiraan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________