Talaado: october 12, 2021
Wararka ka imaanaya Degmada Dayniile ayaa sheegaya in goor dhaw la dilay Taliyihii ciidamada Hay’adad Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka u qaabilsanaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Abdishakuur Raage (Abdi Yare ).
Taliyaha ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawac Culus oo ka soo garay Miino loogu Xiray gaarigiisa, Waxayna Warar kale sheegayaan in gaari Cabdi Bille ah uu la socday taliyaha qarax miino lagula eegtay Deegaanka Ceel Shaale ee kuyaala duleedka Degmada Dayniile.
Qaraxa ayaana waxaa ku dhintay taliyaha NISA ee degmada Dayniile iyo qaar kamid ah ciidamadii la socday, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay qaar kale oo kamid ah ciidamada Nabad Sugida.
about:blank Sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________