Sabti: November 6, 2021
Xili ay wali socdaan loolanka Golaha shacabka oo lagu wado in la soo doorto maalmaha soo socodo, ayaa waxaa qeylo dhaan ka soo yertay mid ka mid ah Cuqaasha iyo Salaadiinta Degta Gobolada Waqooyi ee ku Nool Muqdisho.
Waxgaradka Dacwada ka ah Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ee Habar-jeclo ayaa sheegay in ay Maxkamada la tiigsan Doonaan maalmaha soo docda Dubbe.
Odayaashaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho maanta ayaa shegay in Wasiir Dubbe uu leeyahay suldaan gaar ah oo saxiixe ah, islamarkaana aan lagu faragelin suldankiisa, balse uu isaga faragelin iyo xadgudub ku hayo beesha ay iyaga kasoo jeedaan.
Sidoo kale, Odaayash ayaa sheegay inay taageersan yihiin wakaalo kala noqoshada uu Boqor Buur-madow ku sameeyey Maxamed Jaamac Cumar iyo aqbalaada wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Odayaaha ayaa sidoo kale sheegay inay iyaga dacwad ka gudbiyeen suldaankooda, islamarkaana lagu helay dambiyo badan lana soo taagi doono maxkamad sida ay sheegeyn odayaasha.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________