Isniin: AUGUST 8, 2022
Hoggaamiyaha militeriga ah ee Chad, Mahamat Idriss Déby ayaa heshiis nabadeed la saxeexday in ka badan 40 kamid ah kooxaha mucaaradka ah si gogol xaaro loogu sameeyo wada-xaajoodka qaran bishan Augusta lagu qabayo qabanayo Chad.
Heshiiskan ayaa ka dhacay magaalada Doha kadib in muddo ah ay wadahadallada garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.
Balse kooxda ugu weyn fallaagada ka howlgasha Chad ee Fact ayaa ku gacan seyrtay heshiiska.
Waxay ku doodeen in dhowr ka mid ah codsigooda aan la fulin oo ay ku jiraan in la sii daayo in ka badan saddex boqol oo dagaalyahan oo xabsiga ku jira.
Mahamat Deby ayaa la wareegay hogaanka dalka sanadkii hore ka dib markii aabihiis Idriss Deby uu ku dhintay jiida hore ee dagaalka.
Doorashooyin ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Chad bisha Oktoobar
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________