Muqdisho, September 20, 2015— Gabar ka tirsanayd ciidamada Booliska isla markaana ka ganacsanesay suuqa Qudaarta ee Ansaloti, magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dilay goobta ay ganacsiga ku lahayd.
Gabadhaan oo lagu magacabi-jiray Casuro Cali ayaa ahayd qof aad looga yaqaano suuqa iyo degmada Xamar Jajab.
Laba dhaliinyara ah kuna hubeysan Bastoolado ayaa toogteen Casuuro ka dibna ka baxsaday Goobta ay dhibka ka geeysteen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ila iyo hada balse waxaa la shegayaa in baritaan laga wado dhacdada an kor ku soo xusnay.
Dad badan oo ka tirsan Booliiska iyo Militariga ayaa ayagu shaqooyin gar ah qabsado, su ay u maareeyaan noloshooda iyo tan caruurtooda, bacdamma Dowladu ayna siinin mushaarkooda joogtada ah xaqna ay u leeyihiin.
________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________