Muqdisho | QOL | Janaayo 29, 2019 —Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa hadalkaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu ku taageerayo Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland, Saciid C/llaahi Deni oo dhawaan loo caleemo-saaray Xilkaasi.
Ambassador Francisco Madeira waxa uu sheegay inay AMISOM kala shaqeyn doonaan Ciiddanka Puntland La-dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish-ta ku sugan Deegaanadda Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay AMISOM diyaar u tahay inay taageeraan Madaxweyneha Puntland iyo Maamulkiisa, si loogu dhabeeyo Ballanqaadkii Madaxweyne Saciid Deni ee uu ku sheegay inuu ka shaqeynayo Danaha dadka iyo dalka Somalia.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________