Muqdisho, 07 January 2016: Xarunta gobolka Bari ee Boosaaso ayaa waxaa ka socota qaban qaabo aad u balaaran ee ku aadan munaasabad xariga looga jarayo garoonka diyaaradaha ee Bandar-qaasim oo dhowaan dhismaha wajigiisii kowaad dhammaaday.
Madaxweynaha dowladda Puntland, ku-xigeenkiisa, gudoomiyaha barlamaanka xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa ilaa shalay ku sii qulqulaayay Magaalada Boosaaso.
Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada ayaa iyaguna gaaraan magaalada Boosaaso sii ay goob joog uga ahaadaan daahfurka garoonka iyo xafladda 8da January ee doorashadii Madaxweyne C/weli Gaas.
Ila hada lama qayaasin kharajka ku baxaya martida sharafta leh ee tegeeyso Munaasabadaas, in kastoo dadka qaar ay qabaan in ay wanaagsana-lahayd in shacabiga masakiinta wax loogu qabto lacagtaa faraha badanne ee la isku sawiraayo.
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________