Muqdisho | QOL | Isiin , March 16, 2020 —Ciidmo ka tirsan qeybta 21aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa gaareen deegaannada Kabxanleey, Burdhiire iyo feer feer,halkaas oo Maalin ka hor ay ka dhaceen Shaqaqooyin lau diley Saddex Ruux oo Shacab ah.
Ciidamadaan ka tirsan dowladda ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulaha qeybta 27aad ee xooga dalka Janeraal Saalax Yacquub Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne Muuse Salaad Wehliye ayaa waxaa ay kulan la qaateen Maamulka deegaanka Feerfeer & Saraakiisha Ciidanka Itoobiya.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen sidii wax looga qaban lahaa Nabadgelyada degaanada ku dhow Xaduudka iyo sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaad 14-kii Bishaan Nawaaxiga Deegaanka ilan Guud ku Dilay 3 Qof oo Beeraley aheyd.
Abaanduulaha qeybta 27aad Janeraal Saalax Yacquub iyo Guddoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo maaliyada Gobolka Hiiraan Xasan Ibrahim Cabdule ayaa sheegay in Madaxda ismaamulka Somaalida Ethiopia ee Degmada feer feer iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay is ku Afgarteen ilaalinta Nabadgelada iyo in Mudo 15 Maali Gudahood ah lagu soo qabto shaqsiyaadkii Dilkaasi geystay sharcigana la marsiiyo.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________