Mogadisho | QOL | June 02, 2020–Boqollaal qof ayaa ka soo qaybgalay aaska nin Falastiiniya oo xaalada Austismka qabay oo ay toogteen booliska Yahuuda xilli uu u socday goob uu ka helo waxbarasho gaar ah.
Iyad Halaq, 32 jira ayaa sabtidii lagu dilay daanta bari ee qudus ee ay Yahuudo haysato isagoo ku socday iskuul dadka baahiyaha gaarka ahi ay tagaan
Booliska Yahuuda ayaa sheegay inay ka shakiyeen in Halaq uu hub sitay isla markaana uu diiday amarkii la siiyey ee ahaa inuu istaago, kadibna la ogaaday inaanu hubaysnayn.
Wasiiraka gaashaandhiga ee Israel Benny Gantz ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dilkani.
“Waanu ka xunnahay shilkaasi lagu toogtay Iyad Halaq, waxaanu la wadaagaynaa muragada qoyskiisa, waxaan hubaa in degdeg loo baadhi doono go’aamana laga soo saari doono ” sidaasi ayuu u sheegay golaha wasiirrada Israa’iil Axadii.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________