May 22 2021
Waxaa goor dhawayd soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la sugayay manta s uu u furmo shirka muqdisho lagu wado in uu saacadaha soo socda ka furmo teendhada afisiyooni.
Cali Guudlaawe ayaa waxaa si weyn oo aan horay loo arag loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan goleyaasha dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha HirShabelle ayaa ka qeyb-galaya shirka arrimaha doorashooyinka oo maanta ka furmayo caasimada, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee xarada Xalane.
Sidoo kale Guudlaawe ayaa waxaa safarkiisa soo daahiyey xaaladaha adag ee ka jira magaalada Jowhar, gaar ahaan fatahaadaha iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________