5901 Views

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka

Wasiiro iyo Xildhibanno ka qeyb galay kulan looga hadlayay doorka haweenka ee siyaasadda dalka
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 11, 2015 —Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xaquuqda  Aadanaha,  Wasiirka Wasaarada caafimadka, Xilibaanno katirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay doorka Haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka , kaasi oo uu soo agaasimay baarlamaanka Midowga Yurub ee Afrika.

Ka qeyb galayaasha shirka ayaa si weyn uga dooday in si dhab ah meel looga soo wada jeesto in haweenka Xaquuq dooda kor loo qaado, si ay ugu qeyb galaan siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya, maadaama ay haweenku yihiin lafdhabarka bulshada.

Farxiya Muumin Cali oo ah madaxa wacyi galinta ee Baarlamaanka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa xustay in dood wadaagan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay haweenka, isla markaana ay muhiimtahay in la cadeeyo doorka ay haweenka ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Yuusuf Garaad Xasan iyo Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo kamid ah siyaasiyinta Soomaaliyeed ayaa ku booriyay in la garab istaago Haweenka, isla markaana aan la dafirin Xaquuqda ay dalka ku leeyihin.

Xildhibaannada Haweenka ee baarlamaanka ku jira oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aysan gorgortan galeynin xaquuqda haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka ee Xukumada Soomaliya Drs Xaawa Xasan  Maxamed  oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay  in haweenka ay noqdaan kuwa ka madax banaan qabyaaladda iyo kala qeyb sanaanta, si ay uga qeyb qaataan hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xaquuqul insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa Tilmaamtay in Haweenka Soomaaliyed ay heli karaan xuquuqda dhanka siyaasadda, haddii hadafkoodu uu yahay mid mideysan.

DSC09303DSC09314DSC09309DSC09352-620x264

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment