Muqdisho, 27 December 2015: Dowladda Uganda ayaa sheegatay qorshe ay ku dooneyso inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo dhinaca cirka ah oo ka qeyb qaata howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.
Saraakiil Reer Uganda ah, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada AMISOM ee ka howl gala Soomaaliya.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Midowga Afrika arrintan kala shaqeyn doonaan, maadaama mas’uuliyad weyn ka saaran tahay howl galka AMISOM.
Qorshaha dhanka cirka ah ayaa qeyb ka ah diyaaradaha shixnadaha qaada, kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa deg dega ee taageeraya Ciidamada AMISOM, xilliga ay howl galka ka wadaan Soomaaliya gudaheeda
AMISOM ayaa laheyn diyaarado dagaal, marka laga reebo dowladda Itoobiya oo adeegsata diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Uganda ayaa ugu badan ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay xarumo ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolada dalka in kastoo aysan joogin meelo badan oo looga baahanyahay.
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________