XIGMADU WAXAY KU JIRTAA QOFKA WAALAN!
Aqristow waa qiso dhab ah oo dhexmartay aniga iyo nin waalan, waa goor habeen ah, waxaan watay gaari, waxaana marayey wado ka mid ah wadooyinka ugu mashqulsan Magaalada Muqdisho, wadadu malahayn parking oo waa buuxan, waxaan sameyey waxa looyaqaan DABAL PARKIN “double parking” madaama aysan leheyn parkin meesha aan istaagay, waxaa ii furnaa daaqada dhica basenjerka, waxaa daaqada soo istagay nin gacanta kuwata baakat fidsan oo aan filayo in ay tahay darintii uu ku seexan lahaa habeenkaas, wuxuu i waydiiyey su’ashan “ Adiga waxaan ku waydiiyey ma magaaladaad ku cusub tahay, mase darawal nimadaa kugu cusub?, waxaan ku iri darawal nimada ayaa igu cusub, wuxuu iguyiri ma anigaan garan, ma ogtahay in gadaal lagaaga dhici karo, sida qaldan ee aad u taagantahay darteed?, waxaan ku iri waa runtaa laakiin mar dhow waan dhaqaaqayaa.
Wuxuu igu yiri “hadaba waa yehee $2 dollar ii dhiib, waxaan ku iri mahayo laba dolar, wuxuu igu yiri “($2 dollar mahaysid, Darawal nimada waa kugu cusubtahay, si qaldana waad u taagan tahay, hadaba orodoo kaseexo magaalada hamash quuline”, anigoo aad u QOSLAYA ayuu ninkii iga dhaqaaqay, waan u yeray waxaan ku iri “kawaran hadii aan casho ku siiyo, wuxuu igu yiri kabafiican, waxaa noo dhawayd maqaayad lagu suubiyo cuntada Fast Food-ka, waxaan lahadlay nimankii maqaayada, waxaana ku iri Casho siiya ninkan.
Runtii waxaa aad ii Cajab geliyey xigmada uu ku hadlay ninkaas iyo sida xaqiiqda ah ee ninkaas u gartay in aan Qaldanahay, waxaa hubaal ah dad badan oo dhimirkooda qaba in aysan garan Karin inta Ninkaas waalan uu gartay, waana sababta ay Somaalidu u tiraahdo “xigmadu waxay ku jirtaa Qofka waalan”
Waxaan leeyahay inta Xanunsan ama waalan Allaha Caafiyo, waayo Caafimaadka waa shay qaali ah.
Qaranimo-online
Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________