4539 Views

Muqdisho oo maqaamkeeda dalbaneeyso

Muqdisho oo maqaamkeeda dalbaneeyso
____________________________________________________________________________

Muqdisho,21 February 2016: Bannaan bax aad u ballaaran oo lagu dalbanayo xuquuqda bulshada degan Gobolka Banaadir iyo in la sameeyo maqaamkii ay laheyd Caasimadda ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dad fara badan ayaa isugu soo baxay goobo kala duwan, sida Taalada Darjirka Dahsoon Isgoyska KM4, Taalada Sayidka iyo Afarta Jardiino, waxaana dadka ay wateen boorar ku qoran halku dhigyo kala duwan.

Halku dhigyada ay dadka wateen ayaa ah in Muqdisho ay hesho xuquuqdeeda, Gobolka Banaadir uu leeyahay xuquuq la mid ah kuwa gobolada dalka.

Dibad baxan oo ah mid nabdoon ayaa dadka soo abaabulay ay codsanayaan in la cadeeyo maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, walina ma jirto Mas’uul la hadlay dadweynaha isugu soo baxay taasina waa wax an qurux badnayn.

th (7)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in Gobolka Banaadir uu leeyahay xuquuq la mid ah tan 18-ka Gobol ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in la sameyn doono maqaamkii Caasimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dadka ku dhaqan Caasimada ay ka badan yihiin kuwa maamul goboleedyada ee isu raacay labo gobol iyo wixii ka badan

Shirkii Madasha ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan ayaa laga soo saaray go’aanada nooca doorashada, waxaana ka mid ahaa in Aqalka sare ee Baarlamaanka lagu soo xulo qaab maamul goboleed, iyadoo la siiyay Puntland, Somaliland min 11 xubnood, halka maamul goboleedyada kalena la siiyay min 8 xubnood, balse Gobolka Banaadir ayaa wax xubno ah la siin, ayada oo taas loo qaatay in Muqdisho jiritaankeeda dadka qaar ay inkiranyihiin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment