Muqdisho, October 25, 2016: Cali C/llaahi Guudlaawe, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, ayaa Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay iney ka qeyb qaataan joojinta dagaalada ka soconayo Magalada Gaalkacyo.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato joojinta dagaalka Gaalkacyo iyo nabadeynta Magaaladaasi.
Waxaa kale ee uu sheegay in Madaxweynayaasha labada Maamul Puntland iyo Galmudug, loogu baahan yahay in ay deg deg ah ugu hogaansamaan baaqyada nabadeed ee ka soo baxaya Madaxda Dowlada, beesha Caalamka iyo Culimo udiinka Soomaaliyeed.
Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in shacabka Gaalkacyo ay u baahan yihiin nabad iyo Xasilooni waarta.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana laga Cabsi qabaan in mar kale ay halkaasi ku dagaalamaan, waana arrin fool- xun oo muddo soo taagneed.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________