Muqdisho | February 5, 2017 – Musharaxa madaxweynanimada Soomaaliya Axmed Maxamed Cabdi (Maaldiini) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna saxaafada ugu warbixiyey qorshihiisa wax qabad iyo hankiisa siyaasadeed ee dalkaan ku hogaamin lahaa.
Musharaxa ayaa asal ahaan ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ah khabiir dhinaca amaanka ah, isagoo sidoo kalena wakhti noloshiisa ka mid ahayd ku soo jiray hawlaha ganacsiga iyo ka shaqaynta arriimaha bulshada. Tobonaankii sano ee la soo dhaafay wuxuu fadhigiisu ahaa wadanka Imaaraadka Carabta, isagoo ka shaqaynayey midnimada iyo dibu heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.
Saddexdaan qodob oo ah kuwa ugu baahida badan ee dadka Soomaaliyeed u tabaalaysan yihiin. Murashaan ayaa sidoo kale loo arkaa hadduu xilka qabto inuu wax badan ka qaban karo midnimadda Soomaaliya, maadaama uu isagu asal ahaan ka soo jeedo magaalada Hargeysa.
Axmed ayaa sheegay inuu dhisayo ciidan amaan oo tayo iyo tamarba leh, lana nidaamiyo hanaanka qaran oo ku salaysan cadaaladda.
.
.
___________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________