Muqdisho | Febaraayo 17, 2017– Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu kusoo qoray Twitter-kiisa kaga hadlay xilalkii ugu horreeyey oo uu magacaabay shalay markii uu xilka la wareegay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay xilal kala duwan magacaabay ayaa hadda bartiisa twitterka kaga hadlay waxa ay ahaayeen xilalkaas.
Madaxweyana ayaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada u magacaabay Dr. Cali saciid Fiqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.
Sidoo kale – Dr. Cabdirisaaq Shoole ayaa u magacaabay agaasime ku xigeynka madaxtooyada.
Halka uu Siyaad Maxamuud Shire u magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.
haddaba Farmaajo ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitterka kusoo qoray inay xilalkaas yihiin kuwa kumel gaar ah sida aaduba ka arki karto qoraalkiisa.
.
.
_______________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________