Muqdisho | QOL | June 16, 2017— Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka soconaya xuduuda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Ahlusuna in maamulkiisa uu ka qeyb qaadanayo xalinta dagaalka ka soo cusboonaaday xuduuda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Dagaal beeleedyada halkaasi ka dhacaya ayaa waxa ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Mudooyinkaan Danbe Ayaa Waxaa Dagaalbeeleed Uu Ka Dhacayey Qayba Kamidah Goblka Hiiran Iyo Galgaduud
.
W/Q:- BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________