Muqdisho | QOL | September 19, 2017 – Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu joogsaday Qaadkii ka imaan jiray dalka Itoobiya.
Mas’uul Sare oo ka tirsan maamulka Khaatuma ayaa sheegay in qaadkaasi la geyn doono Magaalooyinka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Khilaafka u dhaxeeya maamulada degaanada Oromada iyo Soomaalida ayaa xoogeystay, waxaana joogsaday qaadkii ka imaan jiray dhulka Itoobiya.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________