5667 Views

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

____________________________________________________________________________

IMG_0470-620x264

Muqdisho, September 20, 2015—Gudoomiyha ruugta Ganacsiga ee Soomaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre iyo wafdi la socday oo maal mahan booqasho ku joogay caasimada dalka Turkiga  ayaa heshiis isfahan ah kula saxiixday Istanbul hey’adaha ugu waa weyn Turkiga,  DEIK oo qaabilsan xiriirka arrimaha dhaqaalaha ee dibadda DEIK foreign economic relationship Board.

Heshiiska waxaa goob joog ahaa agaasimaha rugta Ganacsiga ee Soomaliya, Cabdi Abshir Dhoore iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga ee safaradda soomaliya ee dalka Turkiga Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”, heshiiska waxaa uu ka koobnaa 8 qodob, waxaana wada saxiixay dhanka Soomaliya guddoomiyaha rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Gabayre dhanka kale waxaa u saxiixay Xoghayaha guud, ee DEIK Mustafa Mente,

Kulanka ayaa inta uu socday waxa uu guddoomiyaha rugta Ganacsiga ka warbixiyay dhamaan fursadaha ka jira dalka iyo sida ay muhiim ugu tahay walalahooda dalka Turkiga inay wax wada qabsadaan, iyadoo Xoghayaha guud ee DEIK uu balan qaaday inay abuuri donaan Ganacsiga ka dhaw midka ay la leeyihiin Soomaaliya hada ayna usoo diri donaan wafdi balaaran oo  ah ganacsatada Turkiga ah sida ugu dhaw

Dhanka kale guddoomiyaha rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre ayaa la kulmay madaxa shirkada Albayrak ee hada ka howlgasha Dekadda weyn ee Muqdisho, isagoo ku amaanay shirkada Albayrak shaqada fiican ay ka hayso dekadda Muqdisho, tasoo u ah  isha Ummadda Soomaaliyed.

Madaxa shirkada Albayrak Ahmet Albayrak ayaa sheegay dhankiisa inay tahay waajib saarnaa inay wax la qabtaan walalahooda Soomaaliya ayna sii wadi doonaan shaqada ay ka hayaan dekadda Soomaaliya, waxaa uu balan qaaday inay la shaqeyn donaan rugta Ganacsiga Soomaaliya, waxaa kaloo uu balan qaaday inay dekadda casriyeen ku samayn doonaan.

IMG_04671IMG_0474IMG_0476IMG_0491IMG_0496IMG_0498IMG_0474

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment