3900 Views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka qeybgalay Munaasabad lagu xusayay maalinta Nabadda Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka qeybgalay Munaasabad lagu xusayay maalinta Nabadda Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 21, 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taasoo sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku midowno Nabadda”.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamed Madoobe.

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Haweenka iyo xafiiska UNSOM ayaa waxaa lagu muujiyay muhiimada ay nabadda u leedahay bani’aadamka, si gaar ahna dalka Soomaaliya oo 70% (boqolkiiba todobaatan) dadkeedu yahay dhalinyaro, waxaana laga aqriyay goobta baaqii dhalinyarada caalamka ee ka soo baxay shirkii ay ku yeesheen dalka Urdun, kaasoo lagu qeexay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay qeyb ka noqdaan hay’addaha siyaasada dalka, si loo helo xasilooni iyo nabad.

Sidoo kale, iyada oo laga faa’iideysanayo munaasabadan maalinta nabadda ayaa waxay wasaaradda haweenku soo bandhigtay qorshe Qaran oo looga hortagayo Gudniinka Fircooniga, waxayna Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka Marwo Sahro Samatar ay sheegtay in golaha Wasiiradu ansixiyeen qorshahan lagu dabar goynayo Gudniinka Fircooniga.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo goobta ka hadlay ayaa xusay in nabadda ay muhiimad u leedahay dalka Soomaaliya, maadaama dalku soo maray dhibaatooyin ka dhashay dagaalo sokeeye oo dhiig badana ku daatay.

“Nabadda annagaa ku nool ee iyadu naguma noola, waana muhiim in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in ay ka shaqeynayaan sidii ay dhalinyaradu fursad ugu heli laheyd ka qeybgalka siyaasada iyo hogaanka sare ee hay’addaha dalka.

DSC04639

DSC04651 (1)

DSC04660

DSC04666

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment