5169 Views

Madaxweynaha oo lagu hor dhaariyay Taliyaha iyo Abaanduuliyaha cusub ee ciidanka XDS

____________________________________________________________________________

510-620x264

Muqdisho, 25 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Xafladda dhaarta oo ka dhacdey xarunta Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Cadowga nabad diidka ah waxaa la gaarsiiyey jab xooggan, taana waxaa abaalkeeda leh ciidammada Xoogga Dalka oo garabsanaya AMISOM. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’ideysataan horumarka ay sameeyeen taliyeyaasha idinka horeeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidanka iyo inaad waddanka u horseeddaan inuu nabad buuxda gaaro’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Xafladda dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

119

213

313

47

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment