4497 Views

Tababar loo soo xirey Kalluumeysato

Tababar loo soo xirey Kalluumeysato
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 October 2015 – Munasabadaan oo tababar oo kagu soo xirayey  xirfadalayda kaluumaysatadda ee dalkeen kaasi oo ku aadan  sidii ay u fahmi lahayeen mashruuca FAD oo ah   qalab lagu xiraayo xeebaha isla  markaana  gabaad u noqonaya  kalluunka ayna si wadajir ah u hirgaliyeen wasaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya iyo hay’adda cuntadda iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO   ayaa maanta lagu qabtay magaaladda muqdisho.

Tababarkaan  oo socday mudo 3 cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya, waxaana ka qayb galay xiritaankiisa   xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya,Maareeyaha hay’adda horumarinta kalluunka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyah a iskaashatadda  kalluumaysatadda  Soomaaliyeed  ayaa wasaradda  kallumaysiga kaga mahadceliyey barnamijkaan lagu horumarinayo kalluunka Soomaaliyeed.

Wasiiradda  kalluumaysiga,maamul goboleedyadda; Galmudud iyo Koofur galbeed Soomaaliya oo ka hadlay  munasabadda ayaa soo dhaweeyey  dadaalka ay wasaaradda   kallumaysiga ee ee dowladda Federaalka  kaasi oo lagu horumarinayo  kheyraadka badda Soomaaliya.

Xildhibaan  Saciid Maxamed  Cali oo ah guddoomiyaha  guddiga kheyraadka ee Barlamaanka Soomaaliya  ayaa xusay in wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya looga  baahanyahay  in ay samayso qorshe dadka Soomaaliyeed lagu barayo  cunista kalluunka.

Marwo Sahra Maxamed Cali wasiirka Haweenka  iyo horumarinta  xaquul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa  sheegtay in ay tahay lagama maarmaan in haweenka labaro xirfadda   kalluumaysiga.

Wasiirka kallumasiga iyo kheyraadka badda ee xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Caymooy oo  ugu dambayntii ka hadlay munasabadda  ayaa kula dardaamay  kallumaysatadda nasiibka u yeeshay tabarkaan in ay uga faa’iideyaan  dadka iyo dalka.

6-620x264

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment