3528 Views

Shir Wadatashi oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasadda

____________________________________________________________________________

Wasiirka-arrimaha-gudaha1-620x264

Muqdisho, 24 October 2015 – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dhawaan ay billaaban doonto dhismaha Maamullada Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe, isla markaana loomaridoono hanaankaas sidii loo dhisay Maamulladii ka horreeyay.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa tilmaamay in  ay socoto qorshayaal  lagu Dhisayo Xisbiyada Siyaasadeed  si loo gaaro halka la hiigsanayo Mustaqbalka Dhow.

“Sharciga axsaabta waxa uu yaalla Wasaaradda Waxaana furi doonnaa shir  Wadatashi ah bisha November  kaas oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasadda, kaddib waxaan horkayn doonnaa Golaha Wasiirrada iyadoo loo gudbin Doono baarlamaanka si ay ugu dambayn u meelmariyaan” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment