3795 Views

Xildhibaan Cabdisamad oo sheegay in Xukuumada ay heshiis la galeeyso Kenya

____________________________________________________________________________

Cabdisamad-170x114Moqdisho, November 15, 2015 —Cabdisamad Macalin Maxamuud oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Xukuumadii KMG aheyd, hadana ah xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federalka, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya maalmaha soo socda ay heshiisyo la galeyso dowladda Kenya.

Xildhibaan Cabdisamad oo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya ee go’aan looga gaaray qaraar ka dhan ah dowladda Kenya oo la filayo in maalinta Isniinta laga soo saaro sharci.

“Waxaa jirta in maalmaha soo socda ay Xukuumadda qorsheyneyso inay heshiisyo la gashay dowladda Kenya, waxaa ka codsanayaa Xukuumadda inay heshiisyadaas dib u dhigto”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Xildhibaanka ayaa si faaf-faahsan u sheegay in Baarlamaanka looga baahan yahay in deg deg sharci gaar ah uga soo saaro qaraarkaas oo qodob ka mid ah qeexaya in Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in heshiisyadaas aanay aheyn kuwa Badda ama xuduudaha, balse ay yihiin heshiisyo quseeya cilaaqaadka labada dal iyo wada shaqeyn.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka sharci ka soo saaro darbiga ay kenya ka dhisneyso xuduuda, taasoo qeyla dhaan xoogan ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment