4761 Views

Xiisad maanta ka taagan Gaalkacyo

Xiisad maanta ka taagan Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 24, 2015 — Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo  ayaa sheegaya in xiisad dagaal  ay taagantahay magaalada, iyadoo wali ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ay magaalada isku hor fadhiyaan.

Waxaa la sheegayaa in dadka deegaanka ay bilaabeen in ay isaga barakacaan xaafadaha qaar, iyagoo cabsi dheeraad ah ay soo food-saartay kadib markii ay adkaatay in dhinacyadii is hor fadhiyay la kala qaado.

Ayadoo heshiis xabad joojin ah oo saddex qodob ah  shalay kaga dhawaaqeen odayaasha magaalada, ayaa waxaa jorta in lagu najaxi waayay oo arintaas ay weli socon la’adahay. Dad goob joog ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, ayaa soo sheegaya in xiisada laga dareemayo labada dhinac, isla markaana ay mar walba jirto casbida laga qabo inuu dagaalka soo cusboonaado.

Labada dhinac ayaa waxaa uu midba midka kale ku eedeeyay inuu wado abaabul dagaal, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada maamul ee deriska ah.

Dagaalkii maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad gaaraya ila 10 ruux oo shacbi u badan.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment