4035 Views

“Soomaaliya maanta uma baahna dagaal cusub, waa in dagaalka Gaalkacyo la joojiyaa”

“Soomaaliya maanta uma baahna dagaal cusub, waa in dagaalka Gaalkacyo la joojiyaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 30, 2015–Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, ayna gaaraan nabada ka wada shaqeeyaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in maanta ay aheyd in laga shalaayo wixii shalay dhacay, isla markaana aan loo baahneyn dagaal cusub oo ka dhaca Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo, dadna ku dhinteen, dadna ku barakaceen, waxaa codsanayaa in dagaalka la joojiyo, maanta waxay tahay inaan ka shalayno wixii shalay naga dhintay oo gacmaheena aan ku dilnay, maanta ma aheyn in dagaal cusub Soomaaliya ka bilaabmo, waxaa leenahay nafta iyo sheydaanka ha lala dagaalamo, dadka waa walaalo deegaanka waligeed waa la wada degenaa, dadka wada degana, xuquuq gaar isku leeyihiin ama iska dhex gal, kala guursasho, iyadoo hadana xuquuqda islaamka meesha taalo”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qaadato kaalinteeda, isla markaana la joojiyo dagaalka, isagoo xusay in aanay habooneyn inaan inay dhacaan dagaalo cusub, dadkana ay sii barakacaan, waxaana uu xusay inay tahay mid adduunyo iyo aakhiro qasaaro ah.

“Dowladda kaalinta saaran waa isu keenid, isu soo dhoweyn dadka walaalaha ah, dagaalada in la joojiyo, inay xoog uga shaqeyso waa waajibaadkeeda koowaad iyo labaad waayee waxay dowladda u taagan tahay inay shacabka is jecleysiiso, shacabka nabadeyso, nabad kadib ayaa horumar imaan karaa, nabad la’aan waxba ma imaan karo, dadka soomaaliyeed cudurka dilaayo, Alshabaabka dilaayo, gaajada u dhimanayo in xabad loogu sii daro lama rabee waxaa la rabaa nabad in laga shaqeeyo, waxaa rajeyneynaa in dowladda ay qaadato mas’uuliyadeeda ku aadan nabadeynta iyo xabad joojinta dagaalada”ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo afjari laheyd dagaalka Gaalkacyo, waxaana wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Madaxda Maamul goboleedyada ay wadaan waan waan lagu dhameynayo xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment