6384 Views

Booliska Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya sanad-guuradii 72aad

Booliska Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya sanad-guuradii 72aad
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 20 December 2015: Xus loogu dabaal degaayo 72-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho, gaar ahaan fagaaraha Dugsiga Jen. Kaahiye ee ku yaal Xamar Jab Jab.

Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah taliyaha Ciidanka Boliska, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee ciidamada booliska, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan, nabad iyo bawaaqo.

Munaasabada ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Madaxda dowladda, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa la aas aasay 1943, waxaana muddooyinkan ku socday dib u dhis iyo qaabeyn, waxaana markii u horeysay ay ciidamada yeesheen qeyb ka mid ah ciidamada miino baarista iyo ciidamo si gaar ah u tababaran.

Sidoo kale ciidamada ayaa la soo baxay xeelado ka duwan kuwii hore oo ku aadan baaritaanka marka uu shil dhaco, iyadoo qaababkan ay la mid yihiin sida booliska caalamka ay wax u baaraan, marka uu dil, qarax ama shil kale uu dhaco.

Si kastaba ha ahaatee munaasabadda lagu maamuusayo sanad-guuradii 72aad ee aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalooyinka Wadanka oo dhan.

 Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment