8859 Views

Garoonka Boosaaso oo la furay, Magac-na loo bixiyay

Garoonka Boosaaso oo la furay, Magac-na loo bixiyay
____________________________________________________________________________

bosaso-12-280x175

Boosaaso, 08 January 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha Boosaaso oo noqday mid ka mid ah garoomada ugu waa weyn ee Soomaaliya 

Mashruuca dhismaha Garoonka Boosaaso, ayaa waxaa maal gelisay dowladda Talyaaniga, iyadoo ay Shirkad Shiina ah ay dhistay taas oo lagu magacaabo CCECC, waxaana garoonka ka muuqday dib u dhis ballaaran oo si wanaagsan loogu hagar-baxay.

Madadxda ka qayb gashay Munaasabada daah furka Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa ka Mid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Ra’iisul Wasaarayaashii hore Cali Maxamed Geeddi, C/wali Sheekh Axmed, Safiirada Talyaaniga iyo Shiinaha, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo dadweyne kala duwan oo garoonka ku diyaarsanaa.

Khubadihii laga jeediyay munaasabada ayaa waxaa dhamaan dadkii ka hadlay ay qireen horumarka Puntland ku tallaabsatay, garoonka Boosaaso oo ah mid casri ah, isla markaana la heer ah kuwa caalamiga, isla markaana ku fadhiya illaa 3-km.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka garoonka Boosaaso ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, waa maalin reyn reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Boosaaso iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida ay uga go’an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Garoonka Boosaaso ayaa noqonaya kii u horeeyay ee casri ah oo ay yeelato Puntland, iyadoo garoonka Garowe uu yahay mid uu haatan ku socdo dayactir aad u ballaaran.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso  ayaa waxaa loo bixiyey Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee  Boosaaso.

IMG_2906

bosaso-13bosaso-12

bosaso-15

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment