3441 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka Ee Baqdaad

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Baarlamaannada Iskaashiga Islaamka Ee Baqdaad
____________________________________________________________________________

Baqdad, Iraq | January 24, 2016 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay Soomaaliya uga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirkaasi.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Ciraaq waxaana isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq khudbado ay shirka ka jeediyeen wadajir ugu soo dhaweeyeen wufuudda ka socota dalalka Iskaashiga Islaamka Baqdaad iyo guud ahaanba dalka ciraaq ayagoo sidoo kalena ka hadlay muhiimadda ay dowladda Ciraaq u leedahay marti gelinta shirkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey shirka ay u mahad celiyey dowladda iyo shacabka Ciraaq sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaana dhanka kale uu khudbaddiisa oo aheyd af Carabi uga hadlay hormarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo halka la hiigsanayo mustaqbalka soo socda ay oo ugu horeyso sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay iney ka faa’ideysato kheyraadka uu Alle ku maneystay, sidoo kalena waxa uu ku booriyey dalalka Islaamka iney Soomaaliya maalgashi ku sameystaan.

Shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PIUC ayaa soo gebageboobi doona maalinnimada khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25ka January ayadoo gebagebadiisana laga soo saari doono war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii shirka looga hadlay.

jawari-qudbad-iraq-7 jawari-qudbad-iraq-6 jawari-qudbad-iraq-5 jawari-qudbad-iraq-4 jawari-qudbad-iraq-3 jawari-qudbad-iraq-2

jawari-qudbad-iraq-1

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment