3648 Views

Soomaaliya iyo Kenya Oo Heshiis Iskaashi Kala Saxiixday.

Soomaaliya iyo Kenya Oo Heshiis Iskaashi Kala Saxiixday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 02 February 2016: Dowlada Soomaaliya iyo Kenya, ayaa bishi Jenuary ,31-keedi 2016, magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ka wada shaqeyn doonaan. Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso hadba baahida jirta iyo wixi qabsoomay ee la soo dhaafay.  Waxaa dalka Kenya heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyadana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan hadii loo gogol xaaro. Sida uu dhigayo heshiiska Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirrada kadib, ansixinta heshiiskan si uu dhaqan gal u noqdo, waxaa iska leh labada Madaweyne, waxaana mustaqbalka dhow la sugayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay saxiixaan.

unnamed-1-1152x759

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment