3477 Views

Shir ka socda Nairobi iyo AMISOM oo Faraqa lagu dheganyahay

Shir ka socda Nairobi iyo AMISOM oo Faraqa lagu dheganyahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 09 February, 2016: Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soconaya shir deg deg ah oo Al baabada loo xiray,waxaana uu u dhaxeeya Madaxda ugu sarreysa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Guddiga isku xirka Ciidanka AMISOM iyo Saraakiisha Ciidanka Waddama Ciidanka uu ka joogo Soomaaliya.

Fadhiga ayaa waxaa shir guddoominaya Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka AMISOM ee Madeira iyo Guddoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Amaanka Midowga Afrka  Chergui iyo Taliyaha Booliska Ciidanka AMISOM.

Waxaa kale oo ka qeyb galaya Saraakiil ka socota Wasaaradaha Gaashaandhigga Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkaan lama shaacin waxyaabaha looga hadlayo,waxaana dibad joog ka ah Warbaahinta oo ku sugan banaanka Hoolka uu Shirkaasi ka dhacaayo.

Wixi nagu soo kordho halkaan ka daalacda: https://qaranimo.com

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment