7089 Views

“Cali Khaliifow, Burco iyo Xamar, Burco ayaa kuu dhow ee wax kaala dhaxeeyaan ee noo kaalay”

“Cali Khaliifow, Burco iyo Xamar, Burco ayaa kuu dhow ee wax kaala dhaxeeyaan ee noo kaalay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15 February, 2016: C/llaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa ugu yeeray Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr inuu ku soo biiro Maamulka Somaliland.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa ugu baaqay Cali Khaliif inuu ka shaqeeyo Nabadda oo uu dib u heshiisiinta qaato.

“Cali Khaliifow, marka joogto Xamar iyo Burco, maanta Burco ayaa kuu dhow, Burco iyo Buuhoodle ayay wax ka dhaxeeyaan oo inaad heshiisiiso ku fikirto ee ma ahan in aad Kun Kiilo mitir meel jirta sii aada, nin garan waayay ma tihin, waxaan ku leenahay Sheydaanka ku rartay Alle haka fur furo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Mudane Cukuse oo sii hadlayay ayaa yiri ” Noo kaalay, gurigaaga joognaa, wali waa ku baryeynaa, waa ku dooneynaa, waligaa ma noqoneyso mid aanu nacnay, illaa Alle kaa soo hanuuninaya samirkeeda leenahay”

Waxaa kale ee uu ugu baaqay dadka deegaanka Buuhoodle inay nabadooda, dhaqankooda iyo xididnimadooda ilaashadaan, isagoo xusay ka maamul ahaan ay deegaanadaas ku soo dabaaleen dib u heshiisiin iyo nabad

“Maalin dhoweyd nabada deegaanada qeyb ka mid ah ayaa ku soo dabaalnay, si dhaqan lagu heshiiyay, inta hartay waxaa rabnaa inaan dhameystirno, nabada halaga shaqeeyo.

Madaxweynaha Khaatumo State Dr, Cali Khaliif Galeyr ayaa horay ugu hanjabay inuu dagaal la geli doono, isla markaana deegaanada ay xoogga ku heystaan ka soo ceshanayaan sida uu yiri.

Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf dhinaca deegaanada, iyadoo Somaliland sheeganeyso deegaanada uu ka arrimiyo Khaatumo ay yihiin deegaanadeeda, halka Puntland ay deegaanada la isku yiraa Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay deegaanadeeda.

Wax kasta oo ay ahaato, siyaasiyiin ka soo deegaanada deegaanada Sool iyo Sanaag ayaa waxay xubno ka yihiin Maamulada Puntland iyo Somaliland oo qudhooda u dhaxeeya muran dhuleed, halka Maamulka Khaatumo uu ku adkeysanayo inuu ka madax banaan yahay labada maamul.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment