4086 Views

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib marki shirki Munich uu ka qayb galay.

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib marki shirki Munich uu ka qayb galay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 February, 2016: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa maanta db ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Munich ee dalka Jarmalka kaga soo qeybgaley Shirkii 52-aad ee arrimaha amniga caalamka looga hadlaayay.

Wayaabaha ugu waaweynaa ee looga hadlay shirka sannadkan, ayaa waxaa ka mid ahaa, xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida gaar ahaan Afrika.

Hadalki Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka ka jeediyay ayuu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo si loo xakameeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole iyo xubno ka socday ururada Bulshada.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment