3573 Views

Madaxweynaha oo sheegay in Haweenka heli doonaan doorkooda ka qeyb galka siyaasada

Madaxweynaha oo sheegay in Haweenka heli doonaan doorkooda ka qeyb galka siyaasada
____________________________________________________________________________

Muqdisho,12 March 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay la siin doono doorkooda ku aadan ka qeyb galka siyaasada iyo boosaska ay ku leeyihiin Hey’addaha dowladda.

Fadhi looga hadlayay doorka Haweenka ee dhinaca siyaasada oo uu Madaxweynuhu ka qeyb galay ayuu ka dhawaajiyay inay xaqiijin doonaan sidii haweenka ay u heli lahaayeen %30 ee ay ku leeyihiin matalaada dowladda.

“Doorka Siyaasada haweenka waa ku jiraan, waana ka muuqdaan, waxaa ka shaqeyneynaa in doorkan kor loo soo qaado, dowladdu waxaa ka go’an 30% doorka haweenka inay ku yeeshaan mataalada dowladda, sida Baarlamaanka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si waafaqsan sharciga ay u suurta gelin doonaan in haweenka xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda ay heli doonaan.

Kulaan waxaa soo qaban qaabisay Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, waxaana ka qeyb galay haweenka Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka.

Ururada u dooda xuquuqda haweenka ayaa sheegay in Haweenka laga qadiyay boosaska muhiimka ah ee dowladda, waxaana shirarkii u dambeeyay ee looga hadlayay siyaasada lagu go’aamiyay in haweenka la siiyo qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka oo ah 30%.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment