3231 Views

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo lagu weeraray guri uu ka degenaa Beled-Xaawo

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo lagu weeraray guri uu ka degenaa Beled-Xaawo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 15, 2016: Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan ayaa xalay la weeraray guri uu ka deganaa degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo weerarkan ay ku dhaawacmeen saddex dumar oo ka mid ahaa qoyskiisa.

Sida ay sheegayaan wararka kooxo hubeysan ayaa labo bam gacmeed ku tuuray guriga uu Beled-xaawo ka degenaa Xildhibaanka, waxaana ilaaladiisa ku jawaabeen rasaas.

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka hadlay weerarka loogu geeysatay gurigiisa, ayaa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen rag siyaasiyiin ah, inkastoo uusan magacaabin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarka, balse dadka wax ku noqday ay ahaayeen qoyskiisa sida uu yiri.

Xildhibaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa degmada Beled-xaawo, halkaasoo uu kulamo kula yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Weerarkaas cid sheegatay ma jirto, waxaana weerarkii xalay uu ku soo aadaya, maalmo kadib markii Guddoomiyihii degmada Beled-Xaawo uu isna ka bad baaday qarax lala eegtay gaarigiisa, kaasoo ay ku dhinteen labo ka mid ahciidanki ilaalinayay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment