3645 Views

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allah u naxariistee marxuum Xaaji Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamuud oo xalay ku geeriyoday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa culumaa’diinka iyo nabadoonada Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka qaatey wacyigelinta iyo waxqabadka bulshada.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Allaha u naxariisto marxuum Xaaji Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamuud, waxaan ku aqaaney nin diinta ku xeel dheer, bulshada uu la noolaa wax badan u qabtey, hawlaha dib u heshiisiintana door weyn ku lahaa. Waxaan bulshada uu ka geeriyooday kula dardaarmayaa inay meesha ka sii wadaan hawshii wanaagsaneyd ee uu marxuumka uga tagey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii u ka geeriyodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment