2901 Views

Tarsan “Munaasabaddii 15-ka May waxay noqotay in dowladdu waxqabadkeeda kaliya ku soo bandhigto”

Tarsan “Munaasabaddii 15-ka May waxay noqotay in dowladdu waxqabadkeeda kaliya ku soo bandhigto”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 16, 2016: Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir  ayaa sheegay in Munaasabaddii maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-Ka May ay dowladda u isticmaashay inay waxqabadkeeda ku soo bandhigto, iyadoo dhalinyarada ka fara maroojisay in ra’yigooda iyo doorkooda ku soo bandhigaan.

Mudane Tarsan ayaa sheegay in dhalinyarada aanan la siin fursad ay ku qabsadaan munaasabad, balse tii dowladda qabatay ay aheyd mida kaliya ee rasmiga aheyd, isla markaana aanay dhalinyaradu ku muujin doorka uga banaan rajadooda.

“Waxaa rajeyneynaa in dhalinyarada ay qabsadaan munaasabado kale iyo in hotelada ku qabsadaan, oo fikir ay leeyihiin ku soo bandhigaan”ayuu yiri Guddoomiye Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in dhibaatada tahriibka ee dhalinyarada ay sabab u tahay shaqo la’aan, isagoo ku dhaliilay dowladda Soomaaliya inay sabab u tahay in dhalinyarada dalka ka cararaan oo ay tahriibaan shaqa la’aan darteed.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa sheegtay in Munaasabad aan aheyn mida dowladda, isla markaana aan fasax looga heysan Maamulka Gobolka Banaadir la qaban karin, taasoo meesha ka saartay munaasabadihii caadiga ahaa ee ay dhalinyaradu qabsan lahaayeen.

Dad badan ayaa aaminsan in munaasabadii shalay ee 15-May ay u muuqatay dhoolatus iyo mid olole oo dowladda hada xilka heysa ku sameyneysay wadooyinka Muqdisho, taas oo manaheeda tahay ” II DHEH “.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment