3063 Views

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka Caalamiga ah ee Arrimaha Gargaarka oo ka dhacaya Istanbul

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa Shirka Caalamiga ah ee Arrimaha Gargaarka oo ka dhacaya Istanbul
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 16, 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, , ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya, Peter De Clecq.

Madaxweynaha iyo Mr De Clecq ayaa kulankooda kaga wadahadley Shirka Caalamiga ee Arrimaha Gargaarka Aadminimada Dunida oo toddobaadka dambe ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Soomaaliya oo ka mid ah waddamada shirkaasi ka qeybgalaya ayaa waxay ku soo bandhigi doonta sida ay u socdaan hawlaha gargaarka, iyo sida loo tayeyn karo gargaarka loo fidiyo Soomaaliya si ay saameyn waxtar leh ugu yeelato shacabka.

Shirweynaha ka dhacaya Istanbul ayaa waxaa lagu barbar qaban doonaan kulan gaar ah oo lagu eegayo xaaladda aadminimo iyo samafalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo kulanka Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay , ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya, lagu soo hadal qaadey qaxootiga Soomaalida ee dalalka dunida ku baahsan, dhibaatooyinka tahriibka iyo sidii fursado dhaqaale iyo shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada iyo dadka barakaceyaasha oo danyarta ah.

unnamed-73-13

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment