3405 Views

Madaxweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashooyinka

Madaxweynaha oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskii hanaanka doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 22, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu goor dhow ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu ku sheegay inuu xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskaas, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu xal keeni waayay.

“Dadka Soomaaliyeed dhamaan meel kasta oo ay joogaan, maanta waxaa u hor imid dadka oo aan rabaa inaan la socodsiiyo go’aan xasaasi ah, oo muhiim ah, laga yaabo inay dad badan i dhibsadaan ama ka xumaadaan, laakiin aan la eegnay danta Soomaaliya, dalkeena Soomaaliya wuxuu ka soo baxay duruufo adag oo dheer, maanta wuxuu ku sugan yahay duruufo kale, wuxuu u baahan yahay in mararka qaarkood la qaato go’aano adag”ayuu Madaxweynaha ku bilaabay shirkiisa jaraa’id.

Madaxweyne Xasan, ayaa ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray hiigsiga 2016, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb galeen, isagoo xusay in afartii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeeyeen in aanay marnaba dhicin in talada dadka Soomaaliyeed ka baxdo gacantooda, isla markaana ay gasho gacanta dad ajnabi ama ka baxsan xeyndaanba dowladdnimada.

“Isbuucii la soo dhaafay waxaa noo cadaatay in Baarlamaanka ku culus tahay inuu go’aan deg deg ah ka gaaro, waana ku kala ra’yi duwanaaday, anigoo ka fikiraya waqtiga xadidan ee aan heysan, anoo ka fikiraya wanaaga baarlamaanka ku jiro wixii khilaaf keenaya sii kala wadaya in baarlamaanka looga turo, anoo ilaalinaya danaha qaranka ee hadii go’aanadaas horay u socon waayaan, waxaa ii cadaatay inay adag tahay inuu baarlamaanka wada ogol dhexdiisa uu ka gaaro arrintaas, maanta waxaa soo saaraya xeer Madaxweyne oo tilmaamaya sida looga gudbayo marxaladaas adag, ayadoo aan u tureyno baarkamaanka oo aan diideyno in kala qeybsamo, oo aan diideyno kala qeybsanaan madasha hogaamiyeyaasha qaran dhexdooda ah iyo inay dhacdo beesha caalamka rajo xumo ku timaado, maanta waxaa soo saaray xeer aan ku xeerinayo heshiiskii u dambeeyay madasha hogaamiyeyaasha qaran wadar ogol ay ku gaareen, wixii ay gaareen arrimaha 2016 sida wadar ogol loo helo, baarlamaanka waa u gudubinay sidaas darteed waxaa soo saaray xeer lagu meel marinayo heshiiska madasha wadatashiga qaran dhaqan gelinta doorashooyinka dadban ee 2016 dhacayo, sidaas darteed shacabka soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa in lagu go’aamiyay halka ay mari doonto doorashooyinka “ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka muuqatay deganaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu dhaqan galayo xeerka uu soo saaray ee ku saabsan in heshiiska hanaanka doorashada uu dhaqan galao.

Sidon kale Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonta waqtigii loogu tala galay, meelihii loogu tala galay ay ka kala dhici doonaan, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka gudbeyso marxalada xasaasiga ah ee ay gashay.

Wixii war ah ee nagu soo kordho kala soco: https://www.qaranimo.com/

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment