2889 Views

Baarlamaanka oo maanta kulan leh

Baarlamaanka oo maanta kulan leh
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 1, 2016: Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta yeelanaya kulankoodii u horeeyay tan iyo markii todobaad ka hor Madaxweynaha Soomaaliya uu soo saaray xeer uu ku meel mariyay hanaankii doorashooyinka.

Maanta ayaa laga hadli doonaa shuruucda hartay iyo soo afjarida howlaha hor-yaala Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka oo noqon doona kii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka waqtigiisa dhammanayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Hab-dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in shuruuco badan uu hor-yaalo baarlamaanka, kuwaasoo qaar ka mid ah maray akhrin, isla markaana ay u dhiman tahay kaliya in la ansixiyo.

Maxamed Cumar ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan uu jeedin doono khudbad ku aadan howlaha hor-yaala Baarlamaanka iyo soo afjarida shuruucda hartay inta lagu guda jiro kalfadhiga 8aad.

Baarlamaanka Federaalka ayaa muddo labo bil uga harsan shaqadooda, iyadoo 20-ka bisha Agosto lagu wado in la soo dhiso Baarlamaan cusub oo bedela baarlamaankii hada jira; wa hadii doorashada 2016 ay hir galayso.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment