3396 Views

Taliyaha Ciidanka xoogga oo sheegay inay ka maarmi doonaan Ciidan shisheeye

Taliyaha Ciidanka xoogga oo sheegay inay ka maarmi doonaan Ciidan shisheeye
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 4, 2016: Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb galay shir muhiim ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha Ciidamada dalalka Afrika.

Kulan ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka Afrika u sameysan lahaayeen Ciidamo gurmad ah, iyadoo intii uu socday shirka la isla soo qaaday ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo dhismaha Ciidanka qaranka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka ayaa shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya u diyaar garoobeyso sidii ay ammaanka dalka ula wareegi laheyd, isla markaana looga maarmi lahaa Ciidamada AMISOM

Gunaanadki Taliyaha ayaa uga mahad celiyay dalalka Ciidamada u soo diray Soomaaliya, waxaana uu xusay in lagama maarmaan tahay in la taageero ciidamada Soomaaliyeed, si ay wadanka u hantaan.

taliyaha-1

taliyaha-2 (2)

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment