3513 Views

C/wali Gaas oo fariin u diray Al-Shabaab

C/wali Gaas oo fariin u diray Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 10, 2016: C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland, ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii Haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan, AUN, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab marka looga soo adkaado dagaalada inay dib ugu soo laabtaan birimigeydada oo ay weeraraan, ka dibna dilaan.

C/wali Gaas ayaa fariin u diray Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in xabsiyada Puntland ay ka buuxaan  maxaabiis Shabaab ah.

“Waxaa u sheegeynaa Shabaab marka dagaalada ku ceeboobaan inay dib ugu soo laabtaan birimigeydada oo ay dilaan, waxaa u dirayaa baaq Al-Shabaab, xabsiyadeena ayay ka buuxaan, markaad shan dishaan anagana 20 ayaa dileynaa, waan heynaa”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Inkastoo aanay jirin koox sheegatay dilkii Dhudi Yuusuf, ayaa hadana loo arkaa hadalkiisa mid jawaab u noqon kara, oo ay ugu aar-gudayaan.

Puntland ayaa xabsiyadeeda waxaa ku jira maxaabiis Al-Shabaab ah oo lagu qabtay dagaaladii bishii Maarso ka dhacay deegaano ka tirsan Puntland, markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay doonyo ku gaareen xeebaha Puntland.

Dadka odorasa siyaasada ayaa aaminsan in hadalka Madaxweynaha Puntland jawaab u noqon karo dilkii Dhudi Yuusuf oo aanay wali koox sheegan, hase ahaatee waxaa horay u jiray in Puntland dil toogasho ku fulisay xubno lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, taas oo dhacday muddo ka hor.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment