6150 Views

C/raxmaan Koronto oo ka tagay BBC

C/raxmaan Koronto oo ka tagay BBC
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 21, 2016: C/raxmaan Maxamed Aadan Koronto  oo ahaa wariye rug-caddaa ah, ayaa isaga tagay shaqada laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, kadib muddo 16-sano ah oo uu ka shaqeynayay.

Koronto ayaa dhowr bilood ka hor ahaa Tifaftiraha Barnaamijyada BBC-da, sidoo kale waxaa uu ahaa barnaamij soo saare aad loo bartay.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta BBC-da ayaa lagu sagootiyay C/raxmaan Koronto, waxaana munaasabada ka qeyb galay wariyeyaasha laamaha kala duwan ee BBC

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay inay maanta ugu dambeyso shaqadiisa, isagoo uga waramayay shaqadii BBC-da, dalalkii uu ka soo shaqeeyay iyo barnaamijyadii uu doorka ku lahaa.

“Maanta ayaa iigu dambaysay shaqada BBC, iyadoo aan iska casilay dhowaan kadib muddo 16 sano ah oo aan ka shaqaynayay, Mudadii aan joogay waxaan soo noqday Tifaftiraha barnaamijyada, soo saare sare, soo saare barnaamij”ayuu yiri C/raxmaan Koronto.

Wariyahaan, ayaan cadeyn sababaha uu uga tagay, balse waxaa la sheegay in todobaad ka hor uu warqadiisa istiqaalada u gudbiyay maamulka sare ee BBC-da.

Koronto ayaa ka mid noqonaya Wariyeyaal rug-cadaa ah oo ka tagay BBC-da 10-kii sano ee u dambeeyay, waxaana ugu dambeeyay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tagay bishii September ee sanadkii hore, haddana madax u ah ururka NUSOJ.

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa inta badan barnaamijyadeeda loo raray magaalada Nairobi, halkaasoo toos looga sii daayo, halki marki hore ay ahayd London.

13495314_1177392775613352_2494369570598684235_n

13442209_1177392615613368_8321006434569426269_n

13434804_1177392458946717_4907953885620755048_n

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment