9087 Views

Al-Shabaab oo xalay bandow ku soo rogay Marka Cadeey

Al-Shabaab oo xalay bandow ku soo rogay Marka Cadeey
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 12, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in xalay maleeshiyada Al-Shabaab ay bandow ku soo rogeen magaalada, kadib markii shalay ay la wareegeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka uu dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqa ganacsiga, xaaladana ay tahay mid degan oo aanay wax dhibaato ah Al-Shabaab ka geysan markii ay la wareegeen.

Madax ka tirsan Al-Shabaab ayaa dadka kula hadlay baabuur cod baahiyeyaal ku rakiban, iyagoo ku wargeliyay in magaalada bandaw tahay, lana soo celinayo amniga.

Ciidamada dowladda ee isaga baxay magaalada Marka ayaa la ogeyn sababaha ay uga baxeen, hase ahaatee lala xiriirinayo weerarkii habeen hore ee Xerada Laanta Buuro.

Waxaa kale oo la sheegay in Ciidamada AMISOM ay wali ku sugan yihiin fariisimahooda ku yaala Ceel Jaalle ee duleedka magaalada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ciidamo boolis ah ay geyn doonaan magaalada Marka, si aysan mar kale u soo laaban in ciidamada dowladda ay marna ka baxaan marna galaan.

Bishii Febraayo ayay aheyd markii sidan oo kale gacan ku heynta magaalada Marka ay noqotay mid isu dhaaftay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, ila hadana sidi ayeey ku socotaa.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment