5769 Views

DAAWO: Madasha Mideynta Murusade ( Karanle ) iyo Ururka “Diwo” oo deeq gaarsiiyay Muqdisho

DAAWO:  Madasha Mideynta Murusade ( Karanle ) iyo Ururka “Diwo” oo deeq gaarsiiyay Muqdisho
____________________________________________________________________________
Muqdisho | QOL | 12 July 2016 | Deeq lacageed oo ka timid gabdho muxsiniin somaliyeed ah kuna bahoobay urur ay ku midaysan yihiin gabdha reer Canada oo lagu magacaabo Madasha Mideyn ta Murusade ( Karinle ) iyo ururka kale ee diwo ayaa la gaarsiiyey dad danyar ah oo ku sugan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
13652648_1070807946345844_367828080_n
Kaalmadaan ayaa waxaa ay u soo wakiisheen Qeybinteed Xaawo Cabdulle Awgadiid iyo Caasha Shaacuur oo kaalin mugleh ka qadatay bixinta lacagtaan lagu kaalmeynayey haween caruur curyaamiin indhoolayaan iyo odoyaal waayeelo ah. Dhamaan dadkii loo qeybiyey ayaa ka mahadceliyey waxaana laga dareemayey sida ay ugu faraxsan yihiin halka qaarkoodna u duceyey.
Caasha cusman ugaas ayaa u mahadcelisay gabdhihii soo dhiibay waxayna hadlakeeda ku dartay in dadkaani yihiin kuwa aan waxba heysan ayna mudan yihiin in markasta la ogaado. Ugu danbeyntii xaawo ceelbuur ayaa oo bixinta deeqda ka dib la hadashay bulshadii ay gudoon siisay aya sheegtay in ay ka walwalsaneyd heynta amaanada balse hada ay ku faraxsan tahay mar hadii ay u qeybisay dadkii mudnaan iyada oo u mahadcelisay urur ay ku midaysan yihiin gabdha reer Canada oo lagu magacaabo Madasha Mideyn ta Murusade ( Karinle ) iyo ururka kale ee diwo.
 Daawo halkaan hoose isagoo maqal iyo muuqaal ah

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment