10278 Views

Iimaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo qaadacay Calema Sarki Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Iimaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo qaadacay Calema Sarki Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 25, 2016: Iyadoo maanta oo isniin ah la malaynayo in Beledweyne lagu caleema saaro Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo noqonaya Ugaaskii 20aad ee Saldanada reer Ugaas ee Beesha Xawaadle, ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad, salaadiin, ugaas iyo marti sharaf kale oo badan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Beesha Muddulood aanay caleema saarkaas ka qeyb galeyn, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha ay u diideen.

Iimaam Maxamed Yuusuf Cali iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa la sheegay in aanay ka mid aheyn madax dhaqameedyada ka qeyb galaya caleema saarka, waxaana wararka qaar sheegayaan in aan la soo gaarsiin casuumaad rasmi ah, halka warar kalena sheegayaan in ay dhaliilsan yihiin hadalo horay uga soo yeeray Ugaaska ee ku saabsanaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo hirgeli la’.

Sidoo kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wax wafdi ah oo ka qeyb galaya caleema saarka Ugaas Xasan u dirin magaalada Beledweyn, taas oo macnaheeda ay tahay in dadka DF magaceeda ku baxay ay yihiin Ul Gaduud.

Ugaas Xasan, ayaa horay uga soo yeeray hadalo xanaf leh, kadib markii uu qaadacay shirka Jowhar, isla markaana diiday in Hiiraan lagu daro Shabeellaha Dhexe.

Ugaaska oo muddo dhowr sano ku noolaa Jowhar, xilligii Maamulkii Maxamed Dheere oo uu marti u ahaa, ayaa u cuskaday sababaha Hiiraan loogu dareyn Shabeellaha Dhexe ay tahay in Hiiraan ka mid tahay 8-dii gobol ee gumeysiga ka hor, isla markaana ay u qalanto Hiiraan in noqoto laba gobol.

Dhan kasta u qaado, shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ah mid wali hakad ku jira, isla markaana dadaalo badan oo dowladda iyo IGAD wadeen aan lagu guuleysan in shirka dib loo bilaabo, kadib markii ay qaar ka mid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ku adkeysteen in aanay ka qeyb galeyn shirka Jowhar, welina ay meesha taaganyihiin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment