3441 Views

Xildhibaan sheegay inuu dib u dhac ku yimid doorashada

Xildhibaan sheegay inuu dib u dhac ku yimid doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 28, 2016: Khaliif  Maxamed Xaaji Xasan, oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa sii dhamaanaya, ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid doorashada la filayay in dhowaan dalka ka dhacdo, isagoo xusay in waqtiga la heysto iyo shaqooyinka la rabo in la qabto aanay aheyn kuwo isu dhigma, suurta galna ay ahayn in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.

Xildhibaankan ayaa sheegay in Baarlamaanka hada jira uu 23 maalmood u harsan yahay, isla markaana hadii Baarlamaan cusub la keeni waayo uu Baarlamaankan shaqada sii heynayo, isagoo xusay in marka la gaaro 10-ka September xilkiisa ku eg yahay, sidaas Madaxweyne KMG uu dalka ku yeelanayo sida uu qabo dastuurka qaranka.

“Waxaa dib u dhac xooggan ka jiraa shaqadii la rabay in la qabto, iyo waqtiga la heysto, Agosto 20-keeda Baarlamaanka waqtigiisa ku eg yahay, wali ma aysan dhicin in ergada la xareeyo, odayaasha la xareeyo guddiyadii doorashada qaban lahaa la tababaro, marka intaas ayaa sabab u noqon karta in doorashada dib u dhacdo”ayuu yiri Xildhibaan Khaliif.

Shaxda ay soo bandhigeen Madax Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa ah mid uu gaabis ku jiro, isla markaana aanan wali wax howl ah la qaban, waxaana maalmahan wararka la isla dhex marayay ay aheyd in muddo kororsi bilooyin ah ay jiri doonto, si howsha taal lagu dhameystiro, doorashadana la qabto bisha November ama December midkood, hadba sida ay noqoto.

Bisha soo socota ayaa lagu wadaa in Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran ay shir isugu yimaadaan, iyadoo shirkan looga hadlayo doorashooyinka.

Shirkii Baydhabo oo ahaa kii ugu dambeeyay ee Madasha, lagana soo saaray qodobo dhowr ah ayaa la ogeyn shirkan kale waxa uu soo kordhin doono, waxaase muuqata in howlihii la filayay in la qabto bishaan, ayna suurta gal nodon doonin.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment